Lacagta hawlgabka laga faa´iido waxay ku salaysan tahay iskugeynta dhammaan lacagaha aad xaqa u leedahay oo ka midka ah hannaanka faa´iido ka dhalinta lacagta hawlgabka. Inta lacagtaasi le´ekaaneyso waxay ku xiran tahay hadba inta aad lacag bixisay iyo horumarka ay sameeyeen sanduuqyada aad lacagta ku kaydsatay.
Adiga ayaa dooranaaya hadba inta lacag aad dooneyso in aad ku kaydsato sanduuqa lacagta hawlgabka, laakiin khasab kugu ma aha in aad doorato. Haddii aadan dooran, waxaa lacagtaada lagu shubayaa AP7 Såfa — habka qaranka ee maaraynta da´da lagu jaangooyey. Ma jiraan wax muujinaya in ay ka fiicnaan lahayd in aad lacagtaada hawlgabka u doorato sanduuq hawlgabka.
Haddii aadan dalka Iswiidan ka soo shaqayn wixii ka dambeeyey 1994, markaa xaq uma yeelaneysid lacagta hawlgabka ee faa´iidada lag sameeyo.
Ka dardaaranka dhaxalka ee lacagta hawlgabka ee faa´iidada lag sameeyo
Marka ugu horreeya oo aad codsato lacagta hawlgabka ee faa´iidada laga sameeyo, ayaa waxaa saxiixeysaa ammaangelinta dhaxalka.
Ammaangelinta dhaxalku waxa weeye in lacagta hawlgabka ee faa´iidada laga sameeyo la siin doono qofka aad isqabtaan ama aad wadanoolaansho isku la qoran tihiin haddii aad ka hor dhimato.
Xusuusnow in ammaangelinta dhaxalku ay keeneyso in lacagta hawlgabka la bixinayaa ay yaraaneyso maadaama ay gaareyso qofka aad isqabtaan haddii aad ka hor dhimato.