Waxaad lacagta hawlgabka ku codsaneysaa boggeenna intarneetka ama foom. Haddii aad Iswiidhan debaddeeda ka deggantihid waddan ka mid waddamada EU ama EES (EES waa waddamada Midowga Yurub iyo Norway, Island iyo Liechtenstein) waxaad ka codsaneysaa hey’adda hawlgabka ee waddankaas aad deggantihid.
Haddii aad dhalatay 1959 ama ka bacdi waxaad lacagtaada hawlgabka qaadan kartaa ugu horreyn bisha aad buuxineysid 62 sano. Haddii aad dhalatay 1958 ama ka hor waxaad lacagtaada hawlgabka qaadan kartaa ugu horreyn bisha aad buuxineysid 61 sano. Waad shaqeyn kartaa isla mar ahaanta aad qaadaneysid lacagta hawlgabka guud. Waxaad xaq u leedahay in aad shaqeysid ilaa iyo 67 jirka, laakin haddii adiga iyo shaqa bixiyahaagu aad heshiis ku tihiin waxaad sii shaqeyn kartaa waqti intaas ka dheer. Laga billaabo 2020 waxaad xaq u leedahay in aad sii shaqeysatid ilaa iyo 68 sano jirkaaga.
Mar kasta oo aad lacagta hawlgabka gaadaal ka qaadatid waa marka aad qaadaneysid lacag hawlgab oo tii hore ka sarreysa. Waxay taasi ku xirantahay in aad lacag kasban kareysid iyo in la qiyaasayo in aad hawlgab noqoneysid waqti gaaban gudihiis.
Marka aad codsaneysid waxaad go’aan ka gaareysaa in aad rabtid in aad bishii qaadatid lacag hawlgab oo buuxda, ama mid qeyb ahaan ah. Waxaad sidoo kale go’aan ka gaareysaa haddii aad rabtid in aad isku mar qaadatid lacagta hawlgabka ee boqolkiiba laba iyo bar mushaarkaaga ka ah ee magacaaga lagu keydiyo iyo lacagta kale ee hawlgab guud.
Lacagta hawlgabka codso laba bilood ka hor inta aadan billaabin in aad lacagtaas qaadatid. Haddii aad deggantihid ama degganeyd dibadda waxaa habboon in aad lacagtaas codsatid lix bilood ka hor.
Hey’adda hawlgabku waxay lacagta hawlgabka guud bixineysaa hal mar bishiiba. Haddii aad qaadatid lacagta hawlgabka ee agoonta, lacagta deegaanka ee dheeraadka ah ama taageerada masruufka ee dadka da’da ah waxaa manaafacaadkaas la dhiibayaa isku hal mar.