Lacagta kordhiska ah waa lacag hawlgab oo ku salaysan dakhli, waxayna ku salaysan tahay dakhligii ku geli jirey sanadihii aad shaqeyneysey. Dakhliyada waxaa loo diiwaangeliyaa sidii dhibco hawlgab oo haddii dhibcahaagu bataanba, waxaa sii kordhaya lacagta kordhiska ah ee hawlgabka.
Haddiise aad dhalatay waqtigii u dhexeeyey 1938-53 waxaa lagu siinayaa lacag hawlgab oo kala ah lacag hawlgab oo ku salaysan dakhli iyo kayd faa´iido kortay, iyo qayb kordhis ah. Qofka dhashay sanooyin dambe, waxaa u bata qaybta lacagta hawlgabka oo ku salaysan dakhliga ama kaydka, waxaana sii yaraada qaybta kordhiska lacagta hawlgabka. Haddii aad dhalatay wixii ka horreeyey 1938 waxaad heleysaa oo keli ah lacagta kordhiska ee hawlgabka.