Haddii aad soo degganayd oo ka soo shaqayn jirtey dalka Iswiidan , waxaad xaq u leedahay in aad dalka Iswiidan ka hesho lacagta hawlgabka guud, xataa haddii aad deggan tahay dal kale. Mana u baahnid inaad haysato dhalashada iswiidhishka.
Waxaa lacagaha hawlgabka lagugu siinayaa dal kasta oo aad u guurto. Laakiin lacagta hawlgabka oo maalgelinta lagu sameeyo waxaa heli kartaa haddii aad dalka Iswiidan ka soo shaqaysay intii ka dambeysey 1994. Lacagta hawlgabka asaasiga ah waxaa lagugu siinayaa oo qura haddii aad u guurto dal ka mid ah Midowga Yurub (MY) ama dal ka mid ah EES (EES waxaa ku bahoobay dalalka Midowga Yurub iyo Norway, Iceland iyo Liechtenstein) ama Switzerland ama mararka qaarkood Kanada.
Haddii adigoo horay uga soo shaqeeyey dalka Iswiidan aad geeriyooto, waxaa lacagtaada hawlgabka xaq u yeelanaaya qofka aad isqabtaan ama carruurtaada.
Soo beddel adreeska aad ku leedahay dalka dibeddiisa
Haddii aad u guurto dal kale, waa in aad soo sheegtaa adreeskaaga cusub. Waxaa muhiim ah in hay´adda Pensionsmyndigheten ay haysato adreeskaaga cusub si ay ugu suurtagasho in ay soo diraan warqadaha lacag-bixinta iyo caddaynta inaad nooshahay.
Ku soo dir adreeskaaga cusub iyo lambarkaaga aqoonsiga warqad aad soo saxiixday kuna soo hagaaji:
Pensionsmyndigheten
SE-839 89 Östersund
SWEDEN
Caddaynta noolaanshaha
Caddaynta noolaanshaha waxa weeye hab aad noogu caddeyneyso in aad weli nooshahay. Taasna waxaa laga rabaa qofka qaata lacagta hawlgabka guud ama lacagta dhaxalka hawlgabka oo ka heli hay´adda Pensionsmyndigheten amase Xafiiska caymiska bulshada ka qaata lacagta bukaanka, lacagta tababarka shaqada ama lacagta dhaawaca shaqada.
Waxaan dayr walba dalka aad deggan tahay kuugu soo direynaa caddaynta noolaanshaha haddii aysan hay´adaha hay´adda Pensionsmyndigheten ama Försäkringskassan toos uga helin dalkaas. Caddaynta noolanshaha waa in ay kuu oggolaatay mid ka mid ah hay´adaha hoos ku qoran:
Safaaradda Iswiidhishka
Qunsulka Iswiidhishka
Machadka caymiska bulshada ee dalalka kale
Nootaayada guud
Boliiska dalka aad deggan tahay
Xafiiska diiwaanka guud ee dadweynaha dalka aad deggan tahay
Haddii aad dalka Iswiidan ku sugan tahay, waxaad la xiriiri kartaa xafiisyada adeegga bulshada ee hay´adda Pensionsmyndigheten ama Försäkringskassan. Waxaad caddaynta u direysaa:
Pensionsmyndigheten
Levnadsintyg
Box 900
SE-831 29 Östersund
Sweden
Aad bey muhiim u tahay inaa ku qortid lambarkaada aqoonsiga oo iswiidhishka. Xasuusnow in foomka uu qofkale marqaati ka ahaado iyo uu soo saxiixo iyo inaa adiga xitaa soo saxiixdid foomka. Adiga ma ubaahnid inaa foomka asalka noogu soo dirtid xitaa bostada haddii aad e-mailka noogu soo dirtay.
Om du har bott och arbetat i Sverige kan du ha rätt till allmän pension från Sverige även om du bor i ett annat land. Du behöver inte ha svenskt medborgarskap.
Din inkomstpension, tilläggspension och premiepension får du behålla oavsett vilket land du flyttar till. Premiepension kan du få om du arbetat i Sverige efter 1994. Om du har garantipension får du bara behålla den om du flyttar till ett EU- eller EES-land (EES är EU-länderna samt Norge, Island och Liechtenstein) eller Schweiz och i vissa fall Kanada.
Om du som arbetat i Sverige avlider kan efterlevande maka, make, eller barn ha rätt till svensk efterlevandepension.
Ändra utlandsadress
Du måste själv anmäla om du flyttar till en ny adress utomlands. Det är viktigt att Pensionsmyndigheten har din aktuella adress för att vi ska kunna skicka utbetalningsbesked, kontrolluppgifter och levnadsintyg.
Skicka dina nya adressuppgifter och ditt svenska personnummer eller samordningsnummer i ett undertecknat brev till:
Pensionsmyndigheten
SE-839 77 Östersund
SWEDEN
Levnadsintyg
Levnadsintyget är ett sätt för dig att intyga för oss att du fortfarande lever. Det här gäller dig som har en allmän pension eller efterlevandepension från Pensionsmyndigheten eller sjuk- eller aktivitetsersättning eller arbetsskadelivränta från Försäkringskassan.
Vi skickar varje höst ut ett levnadsintyg till dig som bor i ett land som Pensionsmyndigheten eller Försäkringskassan inte automatiskt får uppgifter från. Levnadsintyget måste du sedan få godkänt av något/någon av följande:
Svensk ambassad
Svenskt konsulat
Svenska kyrkan
Utländsk socialförsäkringsinstitution
Notarius publicus
Utländsk polismyndighet
Utländsk registerförande befolkningsmyndighet
Om du är i Sverige kan du också vända dig till något av Pensionsmyndighetens eller Försäkringskassans service- eller lokalkontor.
Intyget skickar du till:
Pensionsmyndigheten
Levnadsintyg
FE 1
SE-839 77 Östersund
SWEDEN
Det är viktigt att ange ditt svenska personnummer. Kom ihåg att få blanketten intygad och underskriven samt att du själv undertecknar blanketten. Du behöver inte skicka in originalet om du skickar via e-post.