Gå direkt till textinnehållet Gå direkt till navigationen
Webbplatsen kan inte läsas in korrekt

Se till att du använder en rekommenderad webbläsare. Är så redan fallet, försök besöka oss igen om en stund.

Rekommenderade webbläsare

Qorshayso gunnada hawlgabka

Daahid la`aan qorsheeyso gunnada hawlgabka, sidaas ayaa fursad ka fekerid waxa kugu habboon ku heli kartaa. Dalka Iswiidan kama hirgelin da`da gunnada hawlgabka. 

Laf ahaantaada ayaa go`aan ka gaari karo da´da aad doonayso inaad bilaawdo qaadashada gebi ahaan ama qaar kamid ah gunnada hawlgabka. Taariikhda aad bilaawdo inaad qaadato gunnada waxay macne wayn u leedahay inta ay la ekaan doonto gunnada hawlgabka.

Qaybaha kala duwan ee gunnada hawlgabka waxaa kamid ah gunnada hawlgabka guud ee u qaranka bixiyo, badi ahaan gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo iyo waxaa dhici karto lacagaha u qofku kaydsaday. Waa inaad qaybaha oo idil laf ahaantaada codsado sidii aad ku hesho gunnada hawlgabka oo aan qabyada ahayn.

Gunnada hawlgabka guud waxaa la bixiyaa intii u qofku nool yahay. Lacag-bixinta gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo iyo lacagaha u qofku kaydsaday waxay dhacaan muddo xadidan.

Kahor inta aad gunnada hawlgabka guud codsan

Dooro markii aad doonayso in aad hawlgab noqoto. Gunnada hawlgabka guud waxaad bilaabi kartaa inaad qaadato markii aad 62 sano buuxsato (63 sano laga bilaabo 2023).

Waxaad xaq u leedahay inaad shaqaysato ilaa aad 68 sano ka buuxsato (69 sano laga bilaabo 2023). Xaaladaha qaarkood waxaad shaqaysan kartaa intaas in ka badan waa haddii adiga iyo loo shaqeeyaha ku wada heshisaan. 

Codso qiyaastii saddex bilood kahor taariikhda aad doonayso inaad qaadato lacag-bixinta ugu horeeyso . Haddii aad ka shaqaysan jirtay ama ku noolaan jirtay dal dibadda ku yaallo, waa inaad codsato lex bilood kahor inaad qaadato gunnada hawlgabka.

Xisaabso gunnada hawlgabka. Canshuuraha aad bixiso waxba iska beddeli doono, in ka yar ayaa bixin doonta laga bilaabo bisha koowaad ee aad 66 sano buuxsato (67 sano laga bilaabo 2023), taasoo ah hadba inta gunnada hawlgabka iyo/ama daqligii shaqada ay la ekayd.

Go`aan ka gaar haddii aad doonayso inaad qaadato gunnada hawlgabka oo aan qabyo ahayn ama qaybo kamid ah. Waad sii wadi karta shaqada adigoo islamarkaas qaadanayo gunnada hawlgabka.

Haddii aad dib u dhigato qaadashada gunnada hawlgabka, waxaad badsanaysa gunnada hawlgabka lagu siin doono. Taasoo u sabab ah tirada sannooyin oo gunnada hawlgabka aad qaadan doonto. Haddii aad si wado shaqada waxaad kororsan doontaa lacagaha gunnada hawlgabka. Maadaama u jiro korniinka cimriga dadka, waa in da` yarta ay ku talo galaan in muddo dheer ay shaqeeyaan, sidaas ay ku heli karaan gunnada hawlgabka oo dhigmata muddada ay shaqeeyeen.

Haddii daqliga gunnada hawlgabka ku salaysan yahay usan badnayn waxaa lagu siin karaa damaanada gunnada hawlgabka. Uma baahnid inaad gooni ahaan u codsato damaanada gunnada hawlgabka, waayo toos ayaa go`aan looga gaara markii aad gunnada hawlgabka codsanayso. Waxaa lagu siin karaa damaanada gunnada hawlgabka markii aad 65 sano buuxsato (66 sano, laga bilaabo 2023). Damaanada gunnada hawlgabka

Hubso haddii aad u baahan tahay inaad codsato gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo iyo in kale

Hawlgabyada badidooda waxay xaq ugu leeyihiin qaadashada gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo. Gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo qaarkood toos ayaa loo bixiyaa markii qofku u buuxsado 65 sano, halka kuwa kale waa in ay laf ahaantooda u codsadaan.

Gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo waxaa xaaladaha badidooda, la qaata inta qofka noolashiisa ka harsan halka kuwa kalena muddo gaaban, sida tusaale 5, 10, 15 ama 20 sano. Waa muhim in si fiican looga fekero qaabka aad u qaadan doonto gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo, waayo suuraggal ma noqon karto inaad goor dambe bedesho. Waxaa loola xiriiri karaa shirkadda maamusho gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo kaddib la warbixin arrintaas ku saabsan la waydiiyo.

Haddii aad degan tahay dalka Iswiidan dibaddiisa

Haddii aad dalka Iswiidan ka shaqaysan jirtay, waxaad xaq ku leedahay gunnada hawlgabka guud dalka Iswiidan xitaa haddii aad degto dalka Iswiidan dibaddiisa. Gunnada hawlgabka markii aadan ku noolayn dalka Iswiidan

Qorsheeyaha lacag qaadashada

Barta internetka minPension.se waxaa ka heleysaa Qorsheeyaha lacag qaadashada oo ah wax ka caawini karo qorshaynta sida lacagaha gunnada hawlgabka loo qaato. Waxaad ka aqrisan kartaa guudmarka gunnada hawlgabka oo idil, iyo inta lacag ee lagu siin doono bil kasta kaddib markii canshuuraha laga jaro. Qorsheeyaha lacag waxaa siiba loogu talagalay dadka ku talo jiro in sannad gudihiisa ay bilaabaan in qaybo ama gebi ahaan gunnada hawlgabka bilaabaan in ay qaataan. Adeegga noocaas ah waxaa adeegsan karo qofka 54 sano buuxsaday ama ka wayn, gunnada hawlgabka dalka Iswiidan ka shaqaystay oona haysto aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee loo yaqaanno [e-legitimation - Bank-ID] ee dalka Iswiidan.

Börja planera din pension i god tid så att du hinner fundera och göra de val som passar dig. Det finns ingen fast pensionsålder i Sverige.

Det är du själv som avgör vid vilken ålder du vill börja ta ut hela eller delar av din pension. Den tidpunkt du väljer att påbörja ditt uttag har stor betydelse för hur stor din pension blir.

Pensionens olika delar består av allmän pension från staten, oftast tjänstepension från arbetsgivaren och eventuellt eget sparande. Du kan behöva ansöka själv för att du ska få ut alla delar av din pension.

Den allmänna pensionen betalas ut så länge man lever. Utbetalning av tjänstepensionen och det egna sparandet kan ske under en begränsad period.

Innan du ansöker om allmän pension

Välj när du vill gå i pension. Du kan tidigast ta ut allmän pension från 62 års ålder (63 år gäller från 2023).

Du har rätt att arbeta fram tills du fyllt 68 år (69 år gäller från 2023). I vissa fall kan du arbeta längre om du och din arbetsgivare kommit överens om det. 

Ansök cirka tre månader innan du vill ha din första utbetalning. Har du arbetat eller bott utomlands bör du söka sex månader innan du vill ha din pension.

Räkna på din pension. Din skatt ändras och blir lägre från och med januari månad det år du fyller 66 år (67 år från 2023), beroende på hur stor pension och/eller arbetsinkomst du har. Bestäm om du vill ta ut hela pensionen eller delar av den. Du kan fortsätta jobba och ta ut pension samtidigt.

Ju senare du tar ut din pension, desto högre pension får du. Det beror på att pensionen betalas ut under färre år. Fortsatt arbete ger dig också en högre pension. När medellivslängden ökar måste du som är yngre kanske räkna med att jobba några år längre för att få en pension som motsvarar tidigare årskullars.

Om du får låg inkomstgrundad pension kan du få garantipension. Du behöver inte ansöka separat om garantipension utan det sker automatiskt när du ansöker om pension. Du kan få garantipension först när du fyllt 65 år (66 år gäller från 2023). Garantipension

Ta reda på om du själv behöver ansöka om tjänstepension

De allra flesta har tjänstepension från sin arbetsgivare. Vissa tjänstepensioner betalas ut automatiskt när du fyller 65 år, andra måste du ansöka om.

Tjänstepensionen går i de flesta fall att ta ut hela livet eller under en kortare tid, till exempel under 5, 10, 15 eller 20 års tid. Det är viktigt att tänka igenom hur du väljer att ta ut din tjänstepension eftersom de val du gör inte går att ändra i efterhand. Vänd dig till det pensionsbolag som förvaltar din tjänstepension för att höra vad som gäller.

Om du bor utanför Sverige

Om du har jobbat i Sverige så har du rätt att få svensk allmän pension utbetald även om du är bosatt utanför Sverige. Pension när du bor utanför Sverige

Uttagsplaneraren

På minPension.se finns Uttagsplaneraren, ett verktyg som hjälper dig att planera hur du kan ta ut dina pensioner. Du får överblick över hela din pension, och får reda på vad det blir per månad efter skatt. Uttagsplaneraren riktar sig främst till dig som funderar på att ta ut någon del eller hela din pension inom ett år. För att kunna använda tjänsten ska du ha fyllt 54 år, ha tjänat in till pension i Sverige och ha en svensk e-legitimation.