Boqolkiiba 2, 5 soo hadhay ee mushahaaradaadka ka imanaysa iyo lacagaha kale ee ku soo gala ee aad cashuurta ka bixisay waxa loo diraa lacagta joogtada ah ee caymiska hawlgabka (premiepension), waxaad markaa halkaa ku haysataa inaad adigu doorato meesha aad lagactaas ku shubayso (fonder). Uma baahnid inaad adigu doorato. Haddii aanad waxba dooran oo aanad lacagtaa meelna ku shubin waxay lacagtaasi tegeysaa meel la yidhaahdo AP7 Såfa – waa meel ay dawladu maamusho oo loogu talagalay inay dadka u noqoto xalkale
Marka laga reebo dakhliga shaqada kaa soo gala waxa iyaguna jira dakhliyo kale oo la bixiyo kuwaas oo aad xaq ugu leedahay lacagta hawlgabka. Waxa laysku yiraahdaa lacagta aasaaska hawlgabka (pensionsgrundande belopp). Lacagtaas aasaaska hawlgabka waxa lagugu siinayaa wakhtigii aad carruurta yar yar korinjirtay, wakhtigii aad shaqada jiro uga maqnayd ama lagugu siinjiray lacagta aktifiititeetka aad qabato ama aad waxyaabo sar sare baranjirtay.
Mushahaarada ugu saraysa
Lacagta hawlgabka aad u shaqaysanaysaa way xadidan tahay oo ilaa iyo in ayaad u shaqaysankartaa, waxaana la yiraahdaa mushahaarada ugu saraysa (inkomsttak). Lacagta mushuhaarada ugu saraysa waxaanay u dhigantaa 7,5 lacagta gogoldhiga (inkomstbasbelopp) sannad walba taas oo lagu saleeyey mushahaaradii markii aad shaqayn jirtay lacagtaas oo loogu talagalay markaad hawlgabka noqotid.
Haddii aad adigu shirkad leedahay
Si laguu siiyo lacagta hawlgabka ee la siiyo dadka shaqaalaha ahaa waxaad adigu u baahan tahay inaad qaadatid mushuhaaro ama faa’iido shirkada kaaga soo baxday, waa inaad bixisaa khidmado iyo cashuur isla markaana aad adigu magdhabato lacagtii hawlgabka shaqada (tjänstepension) ee uu qofka shaqo bixiyuhu adiga kaa bixinlahaa, adigoo ugu talagelya inaad u dhigato (kaydsato) markaad hawlgab noqotid.