Warbixintaasi waxay muujineysa inta kuugu kaydsantay koontada hawlgabka sannadka lagu gudajiro iyo wixii horumar laga gaaray lacagihii hawlgabka oo aad ku kaydsatay sanduuqyada. Waxaad kaloo baqshadda guduudan ka ogaaneysaa go´aan ku saabsan lacagta hawlgabka oo ilaa hadda kuu kaydsantay. Dadka badankood waxay helaan saadaalin ku saabsan lacagta hawlgabka guud oo ay mustaqbalka heli doonaan.
Baqshadda midabka huruud guduud ku jiro leh waxaad ku arkeysaa inta ku soo geli doonta
Waxaad sannad walba ka heshaa hay´adda Pensionsmyndigheten warbixin ku saabsan heerka lacagta hawlgabka, waa baqshadda guduudan.