Waxaa jiraan laba nooc oo kala duwan oo ah kharashyada gunnada hawlgabka, oo laga rabo inaad ganacsade ahaan bixiso. Kharashka koowaad wuxuu ku salaysan yahay kharashka da`da gunnada hawlgabka ama kharash ku gaar ah, kaasoo u dhigma kharashka loo shaqeeyaha u shaqaalaha ka bixiyo.
Kharashka kale waa kharash gunnada hawlgabka guud ku salaysan, oo lagu xisaabin doono markii aad mushaharkaaga ama xad dhaafka canshuur ka bixinayso. Canshuuraha iyo kharashyada ayaa qaadashada gunnada hawlgabka guud ku suurtagelin doonaan.
Ganacsade ahaan waxaa muhim ah inaad ka fekerto:
Shirkaddaada mushahar / xad dhaaf ka qaado
Canshuuraha ama xad dhaafka aad canshuuraha ka bixiso waxaa lagugu xisaabinayaa gunnada hawlgabka guud.
Bixi canshuuraha
Gunnada hawlgabkaaga guud waxay ku salaysan tahay canshuuraha iyo kharashyada aad u shubtay Hay`adda canshuuraha. Sannadka kasta waa la xisaabiyaa.
Gunnada hawlgabka ee u qofku kaydsaday
Ganacsade ahaan lagu ma siin doono siiyo du gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo taasoo shaqaalaha badidooda la siiyo. Haddii boqlkiiba 4,5-6 ee daqligaaga aad muddo dheer kaydsato, waxay u dhigmata lacagaha shaqaalaha gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo awgeed laga bixiyay.
Eeg dhammaan gunnada hawlgabka iyo kaddib sameey saadaalinta gunnada hawlgabka
Haddii aad guda gasho “Mina sidor” oo aad ku guda qasho aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee loo yaqaanno [e-legitimation - Bank-ID] dalka Iswiidan, waxaad aqrisan kartaa dhammaan gunnada hawlgabka iyo inta bil kasta lagu siin doono.
Si wadista hawlgallada ganacsiga
Xitaa aad bilaawdo qaadashada gunnada hawlgabka waad sii wadi kartaa hawlgallada ganacsiga. Xaaladdaas waxaad bixin doontaa kharashyada bulshodeed ka yar kuwii hore waxaana xaq ugu leedahay ka jarida canshuuraha shaqada ee ka badan kuwii hore.