Waa inaad maamulka wargelisaa isbedellada saamayn ku yeelan karaan gunnada hawlgabka
Haddii isbeddel dhaqaaleed dhacdo kaasoo saamayn ku yeelan karo gunnada hawlgabka, tusaale aad noqoto la noole, u guurto dal dibadda ku yaallo ama haddii dal dibadda ku yaalo laga siiyo gunno cusub ama wax laga beddelay, waxaa waajib kugu ah inaad na wargeliso. Haddii lacag aadan xaq ugu lahayn lagu siiyo waxaa waajib kugu ah dib u bixinteeda.
Waxaan hab joogto ah ku dhaqaaqna kormeerida xogta aad na siisay, sida tusaale waxaan kala xiriirna Hay`adda canshuuraha iyo shirkadaha maareeya gunnada hawlgabka ee loo shaqeyaha bixiyo oo kala duwan, laakiin waxaa waajib kugu ah inaad na wargeliso wixii isbeddel ah.
Caddaynta hawlgabnimada ee lagu helo sicir-dhimista hawlgabyada
Haddii aad qaadato gunnada hawlgabka guud kahor inta aad 65 sano buuxsan (66 sano, laga bilaabo 2023) waxaad isticmaali kartaa caddaynta hawlgabnimada ee lagu helo sicir-dhimista hawlgabyada, tusaale aad u isticmaali karto gaadiika dadweynaha iyo goobaha lagu dhigo dhacdooyinka kala duwan. Dalbo caddaynta hawlgabnimada ee lagu helo sicir-dhimista hawlgabyada (af Iswiidhish)
Goorma gunnada hawlgabka la bixiyaa?
Bil kasta hal mar ayaa gunnada hawlgabka guud la bixiyaa waxaana lagu shuba akawntiga aad hay`adda wargelisay. Haddii lacaga kale lagu soo diro sida gunnada hawlgabka ee qofka laga geeriyooday, kabidda kirada hoyga ama taageero -dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay islamarkii ayaa lacagahaas la bixiyaa . Haddii aad dhalatay maalin bisha ku beeganayd 1-15 waxaa gunnada hawlgabka la bixiyaa markii taariikhda bisha ay ku beegan tahay 18-ka, haddiise dhalatay maalin bisha ku beeganayd 16-31 waxaa gunnada hawlgabka la bixiyaa markii taariikhda bisha ay ku beegan tahay 19-ka, waa haddii 18 iyo 19 ay ku beegan yihiin isniin-jimce.
Marka ugu horeeyso ee aad qaadanayo gunnada hawlgabka waxaa lagu soo diri doono wargelinta lacag bixinta oo lagugu wargelin doono inta gunnada hawlgabka guud ay la`eg tahay. Sidoo kale waxaa lagu wargelin doonaa inta canshuuraha laga jarin doono ay la`eg tahay, qaybaha gunnada hawlgabka ay ka kooban yihiin iyo goorta lacagaha la bixin doono. Maadaama gunnada hawlgabka guud ay ka kooban tahay dhawr qaybood, waxaa dhici karto in mid kasta gooni ahaan lagu wargeliyo, sida tusaale gunnada hawlgabka ee daqliyada ku salaysan, gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan, gunnada hawlgabka ee qofka laga geeriyooday iyo kabidda kirada hoyga.
Gunnada hawlgabka ee goor dambe la qaato canshuur aan badnayn ayaa laga bixiya
Haddii aad degan tahay dalka Iswiidan oona go`aansato inaad shaqada sii wadato halka aad gunnada hawlgabka ka qaadan lahayd waxaad mushaharka laga jari doonaa canshuuraha ka yar tii aad berri hore bixin jirtay. Tani waxay hirgasha sannadka aad 66 sano buuxsato (67 sano, laga bilaabo 2023). Sababta canshuurta aan badnayn mushaharkaaga looga jarayo waxay tahay,Sababta canshuurta aan badnayn mushaharkaaga looga jarayo waxay tahay, inaad xaq ugu leedahay inaad xisaabsato ka jarida mushaharka ee loo yaqaanno [jobbskatteavdrag] taasoo hoos u dhigta heerka canshuurta laga jari lahaa.
Xitaa haddii aad degan tahay dalka Iswiidan canshuur aan badnayn ayaa gunnada hawlgabka guud laga jaraya markii aad buuxsato 66 sano (67 sano, laga bilaabo 2023). Sannadkaas ayay ka jarida canshuurta aan badnayn yari hirgeli doontaa iyadoo fiirogaar aan la siin taariikhda aad bilaawday inaad gunnada hawlgabka qaadato.
Ku darka gunnada hawlgabka — loogu talagalay dadka dhasheen sannadka 1954 kahor
Ku darka gunnada hawlgabka waa qayb ka tirsan gunnada hawlgabka guud oo loogu talagaly dadka dhasheen sannadka 1954 kahor.
Ku darka gunnada hawlgabka waa gunnada hawlgabka ee daqliga ku salaysan, waxaan laga xisaabiyaa sannooyinkii aad soo shaqaysay. Daqliyada waxay u diiwaan gashan yihiin dhibcaha gunnada hawlgabka ahaan, haddii dhibcaha ay badan yihiin waxaa lagu siin doonaa ku darka gunnada hawlgabka oo badan.
Haddii aad dhalatay sannooyinka u dhaxeeyo 1938 ilaa 1953 waxay gunnada ka kooban tahay gunnada hawlgabka daqliga ku salaysan iyo gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan iyo qaar kamid ah ku darka gunnada hawlgabka. Haddii aad dhalatay muddooyinkii ugu dambeeyeen waxaa badan qaybaha gunnada hawlgabka daqliga ku salaysan ama gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan laakin ku darka gunnada hawlgabka sidaas uma badna. Haddii aad dhalatay sannadka markii u ahaa 1938 kahor waxaa lagu siin doonaa oo keliya ku darka gunnada hawlgabka.
Ku saabsan gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan adiga ayaa go`aankeeda iskaleh
Gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan waa qayb aan waynayn oo ka tirsan gunnada hawlgabka guud. Sannad kasta boqolkiiba 2,5 ee daqliga gunnada hawlgabka iyo gunnooyinka kale ee canshuuraha laga bixiyo ayaa gooni loogu dhiga gunnada hawlgabka.
Gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan waxaa lagu saleeyaa isku-darka dhibcaha gunnada hawlgabka ee hab-dhiska gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan. Inta gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan ay le`eg tahay waa hadba inta lacag lagugu siiyay horumarka lacagaha kaydadka lagu meeleeyay ay sameeyeen.
Waxaad dooran kartaa qaabka lagugu meelayn doono gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan, laakiin qasab ma ahan inaad doorato. Haddii adiga aadan kaydka dooran waxaa lacagaha lagugu meelayn doonaa kaydka AP7 Såfa ee u qaranka maamulo. Ma jiraan cadaymo farta ku fiiqayo in gunnadaada ay ka faa`iidaysan doonto, haddii aad laf ahaantaada doorato nooca kaydka aad lacagaha dhigan lahayd, waa haddii la barbardhigo in tallaabadaas aadan qaadin.
Haddii aadan sannooyinkii ka dambeeyay 1994 ka shaqaysan dalka Iswiidan, xaq kuma lihid in lagu siiyo gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan.
Gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan ee lagu badbaadiyo dhaqaalaha qofka laga geeriyooday
Marka ugu horeeyso ee aad dalbato qaadashada gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan, waxaad qoran kartaa dardaaran lagu badbaadiyo dhaqaalaha qofka laga geeriyooday .
Macnaha badbaadinta dhaqaaleed ee qofka laga geeriyooday waxaa weeyaan in gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan ee aad qaadan lahayd la siin doono xaaskaaga, saygaaga, lamaanaha ku diiwan gashan ama xaaladaha qaarkood la noolehaaga, waa haddii kahor aad geeriyooto.
Ka feker in badbaadinta dhaqaaleed ee qofka laga geeriyooday ay sababi karto in lacagaha gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan ay wax iska dhimi karaan, maadaama qorshaha u yahay in lacagaha u ku filnaado adiga iyo lamaanahaaga ba, waa haddii kahor aad geeriyooto.
Waa suuraggal in gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan lagu wareejiyo qofka lamaanahaaga ah
Haddii aad guursatay ama aad leedahay lamaane ku diiwaan gashan, waxaad awoodda inaad xaqa gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan aad ku wareejiso xaaskaaga, saygaaga ama lamaane.
Wargelinta waa in laagu dhaqaaqo kahor markii taariikhda ay ku beegan tahay 30 abriil ee sannadka lacag gunnad wareejinta hirgeli doonto. Ku wareejinta waxaa la joojin doonaa markii laga helo wargelinta ciribtirinteeda.
Boqolkiiba 6 ayaa is dhimi doono ku wareejinta darteed. Lacagahaas waxaa loo qaybin doonaa dhammaan dadka lacagaha gunnada hawlgabka kaydsaday. Lacag dhimista waxa ka siman yihiin ragga iyo dumarka ba. Sababta lacag dhimista waxaa weeyaan filashada tirada badan ee dhacdada ku wareejinta ka dhexayn doonto ragga iyo dumarka, in dumarka celcelis ahaan ay ka cimri dheer yihiin ragga.