Haddii aad weligaa kala xulan kaydadka, waxaa lacagahaaga lagu meelayn doonaa kaydka qaranka uu maamulo AP7 Såfa, loola qabsiiyo hadba da`daada. Halista kaydka qaranka u maamulo AP7 Såfa way sareeysaa, macnaha qaybaha saamiyada aad u sareeyaan, markii muddo dheer hawlgabnimada kaaga hartay iyo halis hooseeyso markii aad gaboobdo. Sidii aad ku heli lahayd korniinka qiimaha fiican ee suuraggal ah. Waxaad dooran kartaa kaydka qaranka u maamulo AP7 Såfa in lacagaha oo idil lagu dhigo ama qaybo ka mid ah gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan wadajir kaydadka kale.
Iska beddelka nooca kaydka
Sidii aad Beddelo kaydka guda gal [Mina sidor] adigoo isticmaalayo aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee loo yaqaanno [e-legitimation - Bank-ID] ee dalka Iswiidan. Waxaan mar kasta idinku talinaynaa in aydan ku dhaqaaqin beddeladda kaydka ama ku guda-galin aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee loo yaqaanno [e-legitimation - Bank-ID] haddii qof kale u kugu taliyo.
Haddii aadan haysan aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee loo yaqaanno [e-legitimation - Bank-ID] dalka Iswiidan waxaad adeegsan kartaa foomka beddeladda kaydka. Dalbashada darteed La xiriir adeegga macaamiisha.
Eeg sida gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan loo meelaysto
Waxaad “Mina sidor” isha ku dhufan kartaa nooca kaydadka gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan lagu meeleeyay. Guda-gal (af Iswiidhish)
Sannad kasta waxay Hay`adda Gunnada Hawlgabka ku soo diri doontaa baqshadda oranji oo ku qoran warqadda wargelin-sannadeedka ku saabsan gunnada hawlgabka guud. Waxaa halkaas ku qoran sida gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan loo meelaysto. Markii goorta ugu horeeyso lagu soo diro baqshadda, waxaa ku qoran warbixin ku saabsan sida aad ugu dhaqaaqi karto kala xulashada kaydadka ee ugu horeeyo.
Ha iibsan wax aadan fahmayn
Waxaa jiraan shirkado oo lacag qaata oo qofka ka caawina kala xulashada-, beddeladda iyo maamulidda gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan. Waa shirkado mararka qaarkood loo maleeyo Hay`adda Gunnada Hawlgabka ama sheegto in hay`adda ay shaqeeyaan. Hay`adda marna lama shaqaysto shirkadaha noocaas ah.
Haddii shirkadaha noocaas ah kula soo xiriiraan kuna siiyaan fursadda maamulid ama talo-siin xiriir la leh gunnada hawlgabka, hubso in si buuxda u fahantay adeegga aad lacagaha ka bixinayso.
Shirkadaha ka ganacsado maamulidda qaarkood, waxay ku meelaynta kaydadka ka bixiyaan warbixinno heer sare ah, sida tusaale macaamilo muddo 5 sano gudahooda ku guulaystay in ay labanlaabaan akawntiga gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan. Warbixinada noocaas ah badidooda ma ahan kuwa caqligal ah, sidaas darteed waa muhim inaad ogaato kharashyada adeegyada shirkadahaas, ha noqdeen kuwa sannad kasta iyo kharashka kaydaynta. Lacag badan ayay noqon kartaa maadaama muddada gunnada hawlgabka la kaydiyo ay dheer tahay.
Iska ilaali/ka digtonoow kuwa khadka taleefanka wax ku iibiyo
Tan iyo 1 luulyo 2018 waa mamnuuc in qof khadka taleefanka lagula xiriiro, kaddib laga iibiyo ama la suuq geliyo soosaarayaal oo xiriir la leh gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan. Haddii aad qof khadka taleefanka wax ku iibinayo kula soo xiriiro ha la hadlin.
Kharashka kaydinta wuxuu saamayn ku yeelan karaa gunnada hawlgabka
Kharashka wuxuu macne u leeyahay kaydinta lacagaha ee muddada dheeer, sidoo kale kharashyada badan waxay si xun saamayn ugu yeelan karaan kaydinta lacagaha. Krona kasta oo dheeraad oo aad kharash ahaan u bixiso in la mid ah ayaa ka jaraysaa gunnada hawlgabka ee aad mustaqbilka qaadan doonto.
Waxaa kaloo ka lummi doono korniinka qiimaha ee dheeraad oo lagu siin lahaa, haddii lacagahaas aad kharash ku bixiso beddelka aad ku kaydsan lahayd gunnada hawlgabka ee abaalmarinta ku salaysan, waxaana sannad kasta lagu siin lahaa korsaar.
Haddii aad kala xulato kaydad isku nooc ah, waxaa ku fiican inaad xulato kaydka ugu kharash yar. Si fudud looma saadaalin karo korniinka qiimaha kaydka, laakiin kharashyada laga qaadi doono kahor ayaa la ogaan karaa.