Lacagta deegaanka ee dheeraadka ah – waa lacag dheeraad ah oo loogu tala galay adigaaga qaata lacag hawlgab oo hooseysa
Adigaaga qaata lacag hawlgab oo yar, deganna Iswiidhan waad codsan kartaa, xaqna waad u lahaan kartaa lacagta deegaanka ee dheeraadka ah. Marka aad codsaneysid lacagta deegaanka ee dheeraadka ah waxaan isla mar ahaantaas eegeynaa mar walba in aad sidoo kale xaq u leedihid taageerada masruufka ee dadka da’da ah.
Yaa codsan kara?
Waxaa codsan kara adiga, laga billaabo marka aad 65 sano buuxisid, aadna dhameysatay lacagtaada hawlgabka guud ama wax u dhigma oo waddanka dibaddiisa ah. Waxaa caadi ah in waqti dambe oo nolosha ka mid la codsado lacag deegaan oo dheeraad ah, tusaale ahaan haddii aad noqotid qof keligeed ah.
Waad codsan kartaa iyadoo aan loo eegeyn in aad deggantihid guri kero ah ama aad deegaanka leedihid, waadna codsan kartaa xitaa haddii aad hanti leedihid. Waa kharashaadka deegaankaaga, dakhligaaga, hantidaada iyo xaaladda qoyska waxa marka leesu geeyo goynaya inta iyo in aad qaadan kartid. Si aad u ogaatid in ay tahay in aad codsatid waxaad adeegsan kartaa caawiyaha xisaabinta ee ku jira bogga pensionsmyndigheten.se. Sidoo kale waad na soo wici kartaa.
Sidan ayaad u codsaneysaa
Waxaad ka ag codsaneysaa Pensionsmyndigheten. Waxaa ugu fudud in barta intarneetka lagu codsado. Mararka qaarkood waxaa kuu codsan kara xigtadaada. Haddii aad qof is qabtaan, wada nooshihiin ama lammaane isku qorantihiin waxaad isla soo gudbineysaan codsi wadajir ah.
Soo sheeg wixi isbeddello ah
Maskaxda ku hay in mar walba ay khasabtahay in aad soo sheegtid wixi isbeddel ah ee ku yimaada dhaqaalahaaga, xaaladdaada deegaan- iyo qoys oo saameyn karta lacagta deegaanka ee dheeraadka ah. Waa muhiim in aad soo sheegtid isbeddellada si aadan u qaadan lacag ka yar inta aad xaq u leedihid ama ka badan oo aadan markaas u baahan in aad dib u soo celisid lacagtaas.
Taageerada masruufka ee dadka da’da ah – haddii aadan qaadan lacag hawlgab ama aad in yar qaadatid
Taageerada masruufka ee dadka da’da ah waa taageero loogu tala galay adigaaga deggan Iswiidhan ee aan qaadan lacag hawlgab ama aan qaadan lacag dhameystiran, tusaale ahaan haddii aad gadaal dambe oo noloshaada ka mid ah Iswiidhan timid. Taageero ayey kuu tahay si aad lacagta deegaankaaga isaga bixin kartid, masruufkaaga uga adkaan kartid.
Si la mid ah sida lacagta deegaanka ee dheeraadka ah ayaad u codsaneysaa, isla codsiga ayaana khuseeya labada manfaco. Xitaa taageerada masruufka ee dadka da’da ah wey khuseysaa arrinta ah in aad soo sheegtid wixi isbeddel ah ee saameynaya taageerada masruufka ee dadka da’da ah.