Gå direkt till textinnehållet Gå direkt till navigationen
Webbplatsen kan inte läsas in korrekt

Se till att du använder en rekommenderad webbläsare. Är så redan fallet, försök besöka oss igen om en stund.

Rekommenderade webbläsare

Kabidda kirada hoyga iyo taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay

Adigaaga qaata lacag hawlgab oo yar ama aan gebi ahaanba qaadan lacag hawlgab waxaad xaq u yeelan kartaa lacagta deegaanka ee dheeraadka ah ama taageero masruuf oo dadka waaweyn loogu tala galay.

Lacagta deegaanka ee dheeraadka ah – waa lacag dheeraad ah oo loogu tala galay adigaaga qaata lacag hawlgab oo hooseysa

Haddii gunnada hawlgabka lagu siiyo aynan badnayn kuna nooshahay dalka Iswiidan waxaad codsan kartaa oo aad xaq ugu lahaan kartaa kabidda kirada hoyga. Markii aad codsanayso kabidda kirada hoyga, waxaa islamarkaas mar kasta laga arrinsadaa haddii xitaa aad xaq ku leedahay taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay.

Yaa codsan kara?

Waxaad codsan kartaa laga bilaabo markii aad 65 sano buuxsato (66 sano laga bilaabo 2023) oona qaadatay gunnada hawlgabka guud oo idil ama gunnada hawlgabka shisheeye la mid ah. Codsashada kabidda kirada hoyga ee goor dambe waa caadi, sida tusaale haddii aad keli noole noqoto.

Waad codsan kartaa iyadoo aan fiirogaar la siin nooca hoyga, sida haddii aad leedahay ama aad kireysto, sidoo kale waad codsan kartaa xitaa haddii aad hanti leedahay. Kharashka hoyga, xaalad-qoyseedkaaga iyo isku-darka daqliyadaada ayaa saamayn ku yeelan karaan lacagaha lagu siin karo kabidda kirada hoyga ahaan. Kahor inta aad codsan waxaa fiican inaad adigoo adeegsanayo weebka, sameeyso xisaabin hordhac ah. Sidoo kale waad na soo wici kartaa. Markii hordhac ahaan aad xisaabinayso kabidda kirada hoyga (af Iswiidhish)

Sidatan ayaa loo codsada

Waxaa laga codsada Hay`adda Gunnada Hawlgabka. Habka ugu fudud ee lagu codsado waa iyadoo weebka la adeegsado iyo aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee loo yaqaanno [e-legitimation - Bank-ID] ee dalka Iswiidan. Xaaladaha qaarkood qof qaraabo ah ayaa codsashada ka caawini karo. Haddii aad guursatay, la noole leedahay ama lamaane diiwaan gashan wadajir ayaa u codsanaysaan. Waxaad kaloo codsashada darteed isticmaali kartaa foom. Codso kabidda kirada hoyga (af Iswiidhish) 

Waa inaad maamulka wargelisaa isbedellada

Ka feker inaad mar kasta maamulka wargelisaa isbedellada dhaqaalahaaga, xaaladaha hoyga iyo qoyska waxay saamayn ku yeelan karaan kabidda kirada hoyga. Waa muhim wargelinta isbedellada haddii kale lagu ma siin doono gunnada aad xaqa ugu leedahay ama waxaa dhico karto in lagu siiyo lacag aadan xaq ugu lahayn taasoo dib u bixinteeda waajib kugu ah. Adigoo isticmaalayo weebka iyo aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee loo yaqaanno [e-legitimation - Bank-ID] ee dalka Iswiidan ayaa maamulka wargelin kartaa isbedellada. Waa inaad maamulka wargelisaa isbedellada

Taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay

Taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay waa taageero-dhaqaaleed loogu talagalay dadka dalka Iswiidan ku nool, oo aan qaadan gunnada hawlgabka ama la siiyo gunnada hawlgabka oo qabyo ah, sida tusaale qof goor dambe isagoo da`ah dalka Iswiidan yimi. Taageero ayey kuu tahay si aad lacagta deegaankaaga isaga bixin kartid, masruufkaaga uga adkaan kartid.

Si la mid ah sida lacagta deegaanka ee dheeraadka ah ayaad u codsaneysaa, isla codsiga ayaana khuseeya labada manfaco. Markii aad qaadanayso taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay waa inaad, maamulka wargelisaa isbedellada saamayn ku yeelan karaan qaadashada taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay.

Du som har låg pension eller helt saknar pension kan ha rätt till bostadstillägg eller äldreförsörjningsstöd.

Bostadstillägg – ett tillägg till dig som har låg pension

Du som har låg pension och bor i Sverige kan ansöka och ha rätt till bostadstillägg. När du ansöker om bostadstillägg prövar vi alltid samtidigt om du också har rätt till äldreförsörjningsstöd.

Vem kan ansöka?

Du kan ansöka från det att du fyller 65 år (66 år gäller från 2023) och har tagit ut hela din allmänna pension eller en motsvarande utländsk pension. Det är vanligt att ansöka om bostadstillägg senare i livet, till exempel om du blir ensamstående.

Du kan ansöka oavsett om du hyr eller äger din bostad och du kan ansöka även om du har tillgångar. Din bostadskostnad, familjesituation och din totala ekonomi påverkar hur mycket du kan få i bostadstillägg. Innan du ansöker är det därför bra att göra en preliminär beräkning på webben. Du kan också ringa till oss. Preliminärberäkning av bostadstillägg

Så ansöker du

Du ansöker hos oss på Pensionsmyndigheten. Det är enklast att ansöka via webben med en svensk e-legitimation. I vissa fall kan anhöriga ansöka åt dig. Om du är gift, sambo eller registrerad partner lämnar ni en gemensam ansökan. Du kan också ansöka via blankett. Ansök om bostadstillägg 

Anmäl förändringar

Tänk på att du alltid måste anmäla förändringar i din ekonomi, bostads- eller familjeförhållande som kan påverka ditt bostadstillägg. Det är viktigt att du anmäler förändringar både för att du inte ska gå miste om högre ersättning och för att du inte ska få för mycket och behöva betala tillbaka. Du kan anmäla förändringar på vår webbplats med en svensk e-legitimation eller kontakta kundservice. Anmäl ändringar

Äldreförsörjningsstöd

Äldreförsörjningsstöd är ett stöd för dig som är bosatt i Sverige och saknar pension eller inte kan få full pension, till exempel om du har kommit till Sverige sent i livet. Det är ett stöd för att du ska kunna betala för din bostad och klara din försörjning.

Du ansöker på samma sätt som för bostadstillägg, samma ansökan gäller för båda förmånerna. Även för äldreförsörjningsstöd gäller att du sedan måste anmäla förändringar som kan påverka ditt äldreförsörjningsstöd.