Gå direkt till textinnehållet Gå direkt till navigationen
Webbplatsen kan inte läsas in korrekt

Se till att du använder en rekommenderad webbläsare. Är så redan fallet, försök besöka oss igen om en stund.

Rekommenderade webbläsare

Damaanada gunnada hawlgabka – loogu talagalay qofka daqligiisa u hooseeyo

Damaanada gunnada hawlgabka waa qayb ka tirsan gunnada hawlgabka guud oo adiga lagu siin karo, haddii daqliyada ee gunnada hawlgabka ku salaysan yihiin usan badnaan jirin ama gebi ahaan lahaan jirin. 

Codsiga gunnada hawlgabka guud ee laga helo, wuxuu kaloo khuseeyaa damaanada gunnada hawlgabka, iyadoo fiirogaar aan la siin da`daada markii codsigaaga aad soo gudbisay. Damaanada gunnada hawlgabka waxaa siiba lagu saleeyaa heerka gunnada hawlgabka guud iyo tirada sano ee aad dalka Iswiidan ku noolayd, laakiin xitaa xaaladda guurka.

Haddii gunnada hawlgabka aynan badnayn oona ku nooshahay dalka Iswiidan waxaad codsan kartaa kabidda kirada hoyga iyo taageero-dhaqaaleedka waayeellada loogu talagalay.

Yaa damaanada gunnada hawlgabka la siin karaa?

Waxaad xaq ugu lahaan kartaa damaanada gunnada hawlgabka haddii aad 65 sano buuxsatay (Laga bilaabo 2023 waa 66 sano) oona daqliga gunnada hawlgabka ku salaysan yahay usan badnayn ama gebi ahaan aadan lahayn.

Sidii damaanada gunnada hawlgabka aan qabyada ahayn lagu siiyo awgeed, waa in ugu yaraan aad 40 sano dalka Iswiidan ku noolayd, tiriskaas oo laga soo bilaabo maalintii aad 16 sano buuxsatay iyo sanadkii ka horeeyay aad xaq ku leedahay damaanada gunnada hawlgabka. Haddii muddada aad dalka Iswiidan ku noolayd aynan sidaas u badnayn waxaa lagu siin doonaa damaanada gunnada hawlgabka oo aan badnayn. 1/40 hal afartan meelood ayaa laga dhimayaa sannad kasta oo qabyo ah.

Sidii aad xaq ugu lahaato damaanada gunnada hawlgabka, waa inaad ku noolayd ama dalka Iswiidan ka shaqaysan jirtay ugu yaraan saddex sanadood. Haddii aad ku noolayd ama ka shaqaysan jirtay Is-bahaysiga dalalka Midowga Yurub, Norway, Iceland iyo Liechtenstein EES ama Schweiz, waxaa xaaladdaas laysku dara sannooyinkaas iyo sanooyinkii dalka Iswiidan aad ka shaqaysan jirtay, laakiin waa inaad ku noolayd ama ka shaqaysan jirtay dalka Iswiidan ugu yaraan hal sano. 

Haddii kaddib markii dalka Iswiidan aad timid sharciga lagugu siiyay qaxooti ahaan ama qof badbaadin u bahan waxaa xaaladaha qaarkood, xisaabsan kartaa muddadii aad dalkaaga hooyo ku noolayd muddada caymiska ahaan ee damaanada gunnada hawlgabka. Qodobkaan wuxuu khuseeyaa oo keliyaa dadka dhasheen 1957 ama kahor. Haddii aad dhalatay 1958 ama kaddib kuma khuseeyo qodobkani.

Haddii aad dhalatay 1937 ama kahor waxaad xaq ugu lahaan kartaa damaanada gunnada hawlgabka. Waxaa xaaladdaas loo isticmaala magdhaw ahaan u sabab ah is-beddelada hab-dhiska gunnada hawlgabka ee la hirgeliyay2003.

Maxaa saamayn ku yeelan karo heerka damaanada gunnada hawlgabka?

Damaanada gunnada hawlgabka waxaa lagu saleeyaa muddadii oo adiga ku noolayd ama ka shaqaysan jirtay dalka Iswiidan, Is-bahaysiga dalalka Midowga Yurub, Norway, Iceland iyo Liechtenstein.

Haddii aad leedahay daqliga gunnada hawlgabka ku salaysan yahay, sida tusaale daqligii gunnada hawlgabka, gunnada hawlgabka carmalka ama gunnada hawlgabka ee dal kale, waxaa damaanada gunnada hawlgabka kolba laga jara inyar ilaa muddo kaddib gebi ahaan laga ciribtiro kaddib markii ilaa heer la gaarsiiyay. Xaalad-guurkaaga waxay kaloo saamayn ku yeelan kartaa heerka damaanada gunnada hawlgabka.

Damaanada gunnada hawlgabka haddii aadan dalka Iswiidan ku noolayn

Xaq u yeelashada damaanada gunnada hawlgabka ee xiriirka la leh ku noolashada dalalka Is-bahaysiga dalalka Midowga Yurub, Norway, Iceland iyo Liechtenstein, wuxuu ku salaysan yahay sharci kummeelgaar ah kaasoo la ciribtiri doono dhammaadka 2022. Taasoo macneheedu tahay in laga bilaabo bisha jannayo 2023 aan damaanada gunnada hawlgabka aan laga bixin doonin haddii qofku u ku nool yahay dalalka Is-bahaysiga dalalka Midowga Yurub, Norway, Iceland iyo Liechtenstein. Gunnada hawlgabka markii aadan ku noolayn dalka Iswiidan 

Waa inaad maamulka wargelisaa haddii xaaladdaada ay wax iska bedesho

Waa inaad mar kasta maamulka wargelisaa isbedellada oo saamayn ku yeelan karaan damaanada gunnada hawlgabka ee adiga lagu siiyo. Haddii lagu siiyo gunnada hawlgabka cusub ama haddii gunnada hawlgabka ee dal kale laga siiyo wax laga beddelo ama haddii aad guurto ama haddii xaaladda guurka wax iska beddesho waa inaad wargelisaa Hay`adda Gunnada Hawlgabka. Waa inaad maamulka wargelisaa haddii dal kale u ku siiyo gunnada hawlgabka

Garantipensionen är en del av den allmänna pensionen som du kan få om du har haft liten eller ingen pensionsgrundande inkomst under livet.

Den ansökan du lämnar in för att få din allmänna pension gäller också för garantipensionen, oberoende av hur gammal du är när du lämnar in din ansökan. Garantipensionen baseras främst på storleken på din allmänna pension och hur länge du har bott i Sverige, men även ditt civilstånd.

Får du låg pension och bor i Sverige kan du ansöka om bostadstillägg och äldreförsörjningsstöd.

Vem kan få garantipension?

Du kan ha rätt till garantipension om du har fyllt 65 år (66 år gäller från 2023) och har låg eller ingen inkomstgrundad pension

För att få full garantipension krävs att du har bott minst 40 år i Sverige från och med det år du fyllde 16 till och med året innan det år du har rätt till garantipension. Har du bott i Sverige kortare tid blir garantipensionen lägre. Den minskar med 1/40 för varje år som saknas.

För att ha rätten till garantipension måste du ha bott eller arbetat i Sverige i minst tre år. Om du har bott eller arbetat inom EES eller Schweiz (EES är EU-länderna samt Norge, Island och Liechtenstein), så kan de åren kombineras med tiden du har i Sverige, men du måste ha bott eller arbetat i Sverige i minst ett år.  

Har du kommit till Sverige och fått uppehållstillstånd som flykting eller skyddsbehövande kan du i vissa fall få räkna med din bosättningstid från ditt tidigare hemland som försäkringstid för garantipension. Detta gäller bara för dig som är född 1957 eller tidigare. Om du är född 1958 eller senare är denna regel inte längre giltig.

Om du är född 1937 eller tidigare kan du ha rätt till garantipension. Den fungerar då som en kompensation för förändringar som skedde i pensionssystemet 2003.

Vad påverkar storleken på garantipensionen?

Garantipensionen beräknas på den tid som du har bott eller arbetat i Sverige, inom EES eller Schweiz (EES är EU-länderna samt Norge, Island och Liechtenstein).

Har du inkomstgrundade pensioner som till exempel inkomstpension, änkepension eller pension från annat land, minskas garantipensionen stegvis för att sedan upphöra helt när du nått en viss nivå. Ditt civilstånd påverkar också storleken på garantipensionen.

Garantipension när du bor utanför Sverige

Din rätt till garantipension vid bosättning inom EU/EES eller Schweiz grundar sig på en tillfällig lag som upphör vid utgången av 2022. Det betyder att din garantipension inte längre utbetalas vid bosättning inom EU/EES och Schweiz från och med januari 2023 (EES är EU-länderna samt Norge, Island och Liechtenstein). Pension när du bor utanför Sverige  

Anmäl om något förändras

Du ska alltid anmäla förändringar som kan påverka din garantipension. Om du får ny pension eller om din pension från annat land ändras eller om du flyttar eller om ditt civilstånd ändras ska du anmäla det till Pensionsmyndigheten. Anmäl om något förändras